Somali

Ma u baahan tahay caawimaad lagugu siiyo luuqadaada? Wac 1800 512 451 kadibna codso turjumaan.

Mentoring for Growth (M4G) waa barnaamij kormeer oo kaa caawinaaya inaad la shaqayso tababareyaal ganacsi oo khibrad leh oo bixinaaya cashar kormeer oo bilaash ah. Tababareyaasheena khibrada leh ayaa waqtigoodu ugu deeqa si ay u caawiyaan mulkiileyaasha ganacsiga ayna ka dhisaan ganacsiyada yaryar oo xoog badan dhammaanQueensland.

M4G waxey bixisaa fikrado, xulashooyin iyo talooyin la xiriira caqabadaha iyo fursadaha ganacsigaagu waajihi karo.

Ganacsiyada u qalma

Si aad iskaga diiwaan geliso casharka M4G, ganacsigaag waa inuu haystaa:

  • Lambarka Aqoonsiga Ganacsiga ee Australia (ABN)
  • Ay xaruntiisu tahay Queensland ama uu xarumo waawayn ku leeyahay Queensland
  • waa inuu leeyahay qorshe ganacsi
  • uu bilaabay shaqooyinka ganacsiga
  • uu leeyahay fursad ama caqabad ganacsi oo laga hadli karo.

Sida ay kuu caawin karaan tababareyaasheenu

Tababareyaasha Ganacsiga ee M4G ayaa kaa caawin kara caqabado ama arimo kaladuwan oo ganacsi kuwaasoo aad waajihi karto. Tababareyaashaada ayaa leh khibrad, aqoon, iyo xirfad balaaran oo kaladuwan oo ay kugu caawin karaan. Mawduucyada badanaa laga doodo waxaa kamid ah aasaasiyaadkaan ganacsiga:

  • macaashka
  • istaraatiijiyadaha kobaca
  • suuqgaynta iyo iibka
  • hormarinta ganacsiga
  • dhaqaalaha
  • khayraadka dadka
  • dhoofinta iyo maalgashiga.

Waxaan adeegsan doonaa xogta aad nagu siiso foomkaaga diiwaan gelinta si aan u aqoonsano tababaraha ugu haboon ee la heli karo kaasoo leh xirfadaha, khibrada iyo aqoonta ku haboon baahiyahaaga ganacsi.

Ayadoo ku xiran meesha aad ganacsiga ku samaynayso, waxaan leenahay tababareyaal xariiro ku leh shirkadaha maalgashiga, hase yeeshee ma damaanad qaadi karno in tababareyaashu ku siin doonaan xogtaan.

Ogoow: Tababareyaasha ayaan ku siin karin wax talo xirfadeed ah noocay tahayba, ayna ku jirto talo sharci, caawimaad dhaqaale ama mid kharaadka dadka ah (HR).

Sida loo baxsho casharada M4G

M4G waxaa heli kara ganacsiyada dhammaan Queensland casharadana waxaa hadda lagu baxshaa oonlaynka oo keliya.

Waxaa jira 2 nooc oo casharo ah:

Wade sheekaysiyada lala sameeyo Tababaraha

Wade sheekaysiyada lala sameeyo Tababaraha waxaa heli kara ganacsiyada u baahan caawimaada fool ka foolka ah si xal loogu helo caqabad ama fursad ganacsi oo gaar ah. Xiisadaha ayaa guud ahaan socda 45 daqiiqo ayadoo 2 tababare ay bixinayaan casharada.

Kulanka Tababarka

Kulanka tababarka ayaa loo qabtaa ganacsiyada suuqa fahmay ee sameeya macaashka la taaban karo. Xiisadaha ayaa badanaa socda 90 daqiiqo ayadoo ay ka qaybgalayaan 4 tababare, uuna ku jiro Gudoomiyaha.

Sida la iskaga diiwaan gasho M4G

Buuxi foomkeena diiwaan gelinta oo na sii xogta ugu badan ee aad awoodo oo ku saabsan caqabadaha aad waajahayso. Xogtaan ayaa naga caawinaysa inaan kuu doorno tababareyaasha ugu haboon, aana kuu mudeyno cashar bilaash ah anoo aan kaa daahin. Tababareyaasheena ayaa sidoo kale cuskanaaya xogta aad diiwaan gelintaada ku bixiso si ay u diyaarshaan casharkaaga tababarka.

Iska diiwaan geli M4G

Ogoow: Ayadoo qayb ka ah foomka diiwaan gelinta waxaa lagaa codsan doonaa inaad aqbasho shuruudaheena iyo xeerarkeena dadka tababarka la siinaayo.

U diyaar garoowga casharkaagaM4G

Xasuusnoow inaad soo qaadato dukumiinti kasta oo quseeya ama xogta dhaqaalaha ee aad isleedahay way kaa caawinaysa casharka tababarka.

Waxaan aad kuugu boorinaynaa inaad qoroto qodobada muhiimka ah inta casharkaagu socdo waxaadna sidoo kale duuban kartaa casharkaaga si aad hadhoow u muraajacaysato.

Kadib casharkaaga M4G

Kooxda M4G ayaa iimeelka kuugusoo diri doonta khulaasada qodobada waawayn ee laga hadlay intii casharkaaga tababarku socday, ayagoo soo raacinaaya lifaaqyo aad ka helayso xog casharka la xiriirta iyo xogta xiriirka ee tababareyaashaada haddii aad doonayso inaad xiriir ganacsi la samayso tababareyaasha kadib casharkaaga.

Inkastoo aysan tababareyaashu awoodin inay xayiisiiyaan ganacsiga ama xayiisiiyaan ganacsigooda gaarka ah kahor ama inta lagu jiro xiisadaada, waxaa suuragal ah inay kulasoo xiriiraan casharkaaga kadib si ay kuugu fidiyaan adeegyadooda. Wax masuuliyad ah kaama saarna inaad aqbasho yaboohooda.

Inta badan tababareyaasha ayaa jeclaan lahaa inaad ugasoo jawaabto iimeelka haddii aad doonayso si ay kuugu qeexaan talooyin kasta oo ay baxsheen intii cahsarku socday.

Qabsashada cashar kale

Waxaad qabsan kartaa casharo kale oo badan laakiin uma qabsan kartid si xariir ah. Waxaan ku talinaynaa inaad qabsato balanta cashar labaad 6 bilood kadib, hase yeeshee, ma damaanad qaadi karno inaad heli doonto isla tababarihii ku siiyay cahsarkii hore casharka danbana.

Macluumaad dheeraad ah

Haddii ganacsigaagu uusan hadda shaqayn, waxaan haynaa farsamooyin iyo xog muhiim ah oo kaa caawinaysa bilaabida ganacsigaaga. Tan waxaa ku jira farsamooyinka qorsheynta ganacsiga iyo iyo hubinta faya qabka u diyaar garoowga ganacsiga kaasoo, marka aad dhamaysato, ku siinaaya qorshe shaqo oo gaar ah kuna siinaaya xog iyo khayraad kaa caawinaaya bilaabista iyo maamulida ganacsigaaga.

Nalasoo xiriir

Iimeel ugu dir kooxda M4G ciwaanka m4g@desbt.qld.gov.au si aad u hesho xog dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka.