Somali
Ma u baahan tahay caawimaad lagugu siiyo luuqadaada? Wac 1800 512 451 kadibna codso turjumaan.
Mentoring for Growth (M4G) waxey siisaa ganacsiyada u qalma helitaanka lacag la'aanta ah ee khubarada ganacsiga ee mutadawiciinta ah kuwaasoo ku siinaaya fikrado, xulashooyin iyo talooyin ku aadan caqabadaha iyo fursadaha kaa haysta ganacsigaaga.
Barnaamijka M4G wuxuu ka caawiyaa ganacsiyada Queensland inay kobac sameeyaan ayna guul ka gaaraan goobtooda ganacsi ee hadda.
Barnaamijka M4G waxaa ku jira:
- Casharada tababarka Kobaca
- Tababarka maalgashiga
- Tababarka Higsiga
- Tababarka Wax Dhoofinta
- Tababarka Soo Kabashada.
Marka aad ka qaybgasho barnaamijka M4G, Dawlada Queensland ayaa waafajinaysa khibrada iyo aqoonta tababareyaasheeda caqabada ama fursada ganacsi ee aad aqoonsatay.
Tababareyaasha ayaa lagasoo xushaa liiska balaaran ee Queensland oo ay ku jiraan in ka badan 300 oo tababareyaal diiwaan gashan ah. Dhammaan tababareyaasha ayaa khibrad iyo aqoon u leh tababarida iyo/ama hormarinta ganacsiyada.
Mentoring for Growth waxaa hadda lagu baxshaa khadka oonlaynka oo keliya. Barnaamijka ayaa u furan ganacsiyada ku yaala dhammaan Queensland.