Somali

Ma u baahan tahay caawimaad lagugu siiyo luuqadaada? Wac 1800 512 451 kadibna codso turjumaan.

Lahaanshaha iyo maamulida ganacsi yar ayaa noqon karta wax dhib badan gaar ahaana inta lagu jiro xiliyada adag sida masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbedel dhaqaale oo socda.

Daryeelida caafimaadkaaga dhimirka iyo faya qabka ayaa muhiim u ah inaad samayso shaqo wax soo saar leh aadna ka gun gaarto higsiyadaada ganacsiga iyo kuwa gaarka ah.

Fiiro gaar ah u yeelo cilado kasta oo muujinaaya in caafimaadkaaga dhimirka, ama caafimaadka shaqaalahaagu, u baahan yahay in muhiimad la saaro.

Haddii aad u baahan tahay hadda ama aad adiga (ama qof aad taqaano) uu khatar degdeg ah ugu jiro dhibaato:
  • Wac sadex eber (000) ama tag isbitaal
  • ka wac Lifeline lambarka 13 11 14.

Ciladaha caafimaadka dhimirka iyo faya qabka

U foojignoow astaamaha hore ee digniinta ah oo muujin kara inaad u baahan tahay daryeelka caafimaadkaaga dhimirka.

    • Dhibaato kaa haysata diirad saarida wax
    • Inaad buuxin waydo waqtiyada la cayimay
    • Inaadan u shaqaynayn sidaadii caadiga ahayd
    • Inaad ka maahsan tahay shaqaalaha
    • Inaad ka qash dhacdo shaqada
    • Inaad dareento inaadan macno ku fadhin ama fashilantay
    • Ka maqnaanshaha shaqada
    • Camal xumo, cabsi, xanaaq, walwal ama walaac
    • Niyad jab ama awood la'aan
    • In hurdo kaasoo dhici waydo
    • Hurdo xad dhaaf ah
    • Hurdo kasoo salalida iyo inay kugu adkaato ku laabashada hurdadu
    • Inay kugu dhacaan isbadellada miisaanka ama oomateedka
    • Cabista khamri ama maadnooriyaal kale oo xad dhaaf ah
    • Ka maahida saaxiibada iyo qoyska
    • Qabista xanuunka cabsida
    • Muujinta caro ama shuruuc kacsan
    • Muujinta habdhaqan kharibaad ah
Waa inaad caawimaad heshaa haddii aad ogaato isbadel ku yimid dareenadaada, fikradahaaga ama habdhaqankaaga kaasoo:
  • soconaaya wax ka badan dhawr asbuuc
  • saamaynaaya xiriiradaada iyo awoodaada shaqada, waxbarashada iyo la falgelida bulshada
  • kaa hor istaagaaya inaad ka qaybgasho hawlaha aad awal jeclaan jirtay.

Baaritaannada caafimaadka dhimirka ee oonlaynka ah

Yaa ku caawin kara

Mararka qaar, inaad cid la xiriirto ayaa adkaan karta marka aad dareemayso culays xad dhaaf ah laakiin waa muhiim inaad qaado talaabada koobaad.

Taageerada caafimaadka dhimirka ee mulkiileyaasha caafimaadka

  • Xog badan ka ogoow NewAccess oo loogu talagalay mulkiileyaasha ganacsiga, barnaamijka tababarka caafimaadka dhimirka oo ah is-caawinta la hago isla markaasna lacag la’aan ah ilaalinaayana sirta xogta qofka. Tababareyaasha aqoonta u leh ganacsiyada yaryar ayaa ka sahqeeya sidii ay kuu bari lahaayeen xirfadaha shaqada si aad xal ugu hesho arimaha adag (ee ka jira ganacsiga iyo guriga) aadna u maarayso walaaca.

Qof aad la sheekaysato

Taageerada ganacsigasida meesha ugu horeysa ee xiriirka

Qorsheynta caafimaadkaaga dhimirka iyo faya qabka

Qorshaha caafimaadka iyo faya qabka dhimirka ayaa kaa caawinaaya aqoonsiga noocyada kiciyaasha walaaca ee ganacsigaaga kuwaasoo ay u badan tahay inay saamayn ku yeeshaan caafimaadkaaga dhimirka, iyo waxa aad samayn karto si aad u yareyso saamayntooda. Qorshe ayaa sidoo kale kaa caawinaaya inaad abuurto goob shaqo oo leh caafimaadka dhimirka aadna caawiso shaqaalaha la dhibtoon kara caafimaadkooda dhimirka. Adeegso ilaha soo socda si aad u abuurto qorshahaaga caafimaadka iyo faya dhawrka dhimirka:

Abuurista goob shaqo oo u roon caafimaadka dhimirka

Sidoo kale tixgeli...