Somali

Ma u baahan tahay caawimaad lagugu siiyo luuqadaada? Wac 1800 512 451 kadibna codso turjumaan.

Tababareyaasha faya dhawrka ayaa ka caawiya mulkiileyaasha ganacsiyada yaryar caqabadaha gaarka ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ganacsiga, baahiyaha iyo fursadaha ayagoo ku siiya goob taageero leh, bilaash ah oo fool ka fool ah.

Tababareyaasha faya dhawrka ayaa la shaqayn kara adiga, shaqaalahaaga ama xubnaha qoyskaaga ee ka shaqeeya ganacsigaaga.

Tababaraha ayaa kaa caawin kara inaad xal u hesho ganacsigaaga hadda ama caqabadaha shakhsi ahaaneed  sidoo kalena kugu xiri kara adeeg bixiyaha taqasuska leh si uu kaaga taageero yareynta walaaca, kor u qaadista faya qabka uuna ku siiyo taageero ganacsi oo noocyo kaladuwan leh.

Tababareyaasha caafimaadka ayaa la shaqayn doona la-taliyayaasha maaliyadeed ee ganacsiga yaryar iyo la-taliyayaasha maaliyadeed ee miyiga si ay u caawiyaan taageerada si ay u caaawiyaan adiga iyo ganacsigaaga.

Goobaha

Tababareyaasha faya dhawrka ayaa laga heli karaa dhammaan Queensland. Waxaa laga heli karaa:

Taageerada

Meel kasta oo aad uga nooshahayba Queensland, taageero ayaad heli kartaa. Haddii tababareyaasheena faya dhawrku aysan ka shaqayn deegaankaaga, waxaad la xiriiri kartaa tababaraha kuugu dhow ee faya dhawrka si aad u hesho taageero oonlayn ah.

Haddii aad u baahan tahay in lagugu caawiyo luuqadaada, tababarayaasha fayoqabka ayaa kaa caawin kara inaad hesho adeeg fasiraad iyo turjubaan oo lacag la'aa ah.

Shuruudaha u qalmida

Si aad ugu qalanto helitaanka tababare, ganacsigaaga yar waa inuu (xiliga aad codsiga dirayso):

  • leeyahay shaqaale ka yar 20 qof (qiyaasta shaqaalaha buuxa) uuna soo saaraa dakhli ka yar $10 milyan sanadkii.
  • waa inuu leeyahay Lambarka Aqoonsiga Ganacsiga ee Australia (ABN) oo shaqeynaaya
  • waa in ganacsigaaga yar yahay ishaada koobaad ee dakhliga (tusaale, 50% ama ka badan dakhliga ku soo gala), ama waa inaad haysaa diiwaanka dhawaan oo sheegaaya in ganacsigu yahay ishaada koobaad ee dakhliga uuna sidaas sii ahaan doono (sida uu go'aansho tababaraha ama wakiilka shabakadu)
  • waa inuu ku yaalaa Queensland
  • waa inay leeyihiin mulkiileyaal/agaasimeyaal aan horey ganacsiyada ugu fashilmin ama lagu xukumin musalafiin.

Ganacsiyada yaryar iyo ganacsatada kelilaha ah ayaa codsan kara tababare.