Somali
U hel taageero haweenku si ay u bilaabaan, u socodsiiyaan oo ay u kobciyaan ganacsigooda, adiga oo helaya macluumaadka ku saabsan hagitaan la heli karo, tababaro, shabakado, maalgelin, barnaamijyo iyo adeegyo.
Boggaan
Ganacsi iskaa u shaqeyso ah
Kaalmada Iskaa-Ushaqeysiga ah (Self-Employment Assistance) waxay bixisaa aqoon-is-weydaarsiyo, horumarinta qorshaha ganacsiga, tababar iyo hagid si ay kaaga caawiyaan fikraddahaaga ganacsi ama ganacsi yar ee markaas jira.
Bilow ganacsigaaga
Hel macluumaadka ku saabsan sidii aad ku bilaabi laheed ganacsigaaga, oo ay ku jiraan qorshaynta, waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhaqaalaha, shaqaaleysiinta shaqaalaha, ganacsiga dhijitaalka ah iyo xalalka IT-ga, iyo wixii ku lug leh iibsashada ganacsi jira.
Kobcinta ganacsigaaga
Si ay kaaga caawiso kobcinta iyo ballaarinta ganacsigaaga:
- baro siyaabo aad u kobcin kartid, wax uga beddeli kartid isla markaasna aad u hormarin kartid ganacsigaaga, oo ay ku jiraan la qabsiga iyo ka jawaabista kobaca
- isdiiwaangeli si aad u siiso/uga iibiso Brisbane 2032 Olympic and Paralympic Games
- sahami fursadaha wax lagu dhoofin karo.
Gal barnaamijka Mentoring for Growth program si aad ula xiriirto khabiiro ganacsi oo iskaa wax u qabso ah kuwaas oo ku siinaya jawaab celin iyo talooyin ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha aad kala kulanto ganacsigaaga.
Hel maalgelin
- Faham aasaaska kor u qaadista raasamaalka.
- Dawlada dhexe, dowlada gobolka iyo dawladaha hoose waxay bixiyaan deeqo iyo caawimaad si ay gacan uga geystaan horumarinta ganacsiyada cusub iyo kuwa hore u jiray.
- Advance Queensland's Backing Female Founders Program wuxuu maalgeliyaa asaasayaasha haweenka si ay u bilaabaan oo ay u kobciyaan ganacsigooda Queensland, iyada oo loo marayo hindiseyaal kala duwan.
- Investing in Queensland Women Grants waxay siiyaan deeq hal-mar ah oo dhan $15,000 kooxaha bulshada iyo ururada ku baahsan Queensland’s magaalooyinkeeda, miyiga iyo gobollada fogfog, mashaariicda iyo dhacdooyinka loogu talagalay horumarinta sinnaanta jinsiga ee haweenka iyo gabdhaha.
Shabakadaha ganacsiga
- Indigenous Business Australia's Strong Women Strong Business waxay isku xidhaa haweenka ganacsatada ah ee asal ahaan u dhashay wadanka iyada oo loo marayo hagitaan, isku xidhid iyo dhisidda xidhiidhka. Ka hel taageerada bulshada haweenka yaqaana marxalada aad ku sugan tahay, ganacsi iyo nolol shakhsi labadaba.
- Migrant Women in Business program waa meel aad kula xiriirto soogalootiga guulaha gaaray iyo haweenka qaxootiga ah markaad sahamiso ganacsi ama fikrad cusub, ama kobcinayso ganacsiga aad hada leedahay.
- The Women in Rural, Regional and Remote Enterprises (WiRE) program waxay caawiyaan oo taageeraan haweenka ku nool miyiga, gobolka iyo meelaha fog si ay u bilaabaan isla markaasna u kobciyaan ganacsigooda, iyaga oo kor u qaadaya oo kobcinaya hal-abuurka haweenka iyo hal-abuurka miyi, tuulo iyo meelaha fog ee Australia.
- WOW (Women of the World) waxay abuurtaa wada hadal dhaqan iyo mid hal abuur leh, dood iyo dabaaldeg. Tifaftirayaasha, wada sheekaysiga, duubista iyo agabka ayaa halkan lagu soo ururiyey si ay uga doodaan xaaladda taagan, dhiirigeliso milicsi qoto dheer.
- La xidhiidh golaha deegaankaaga si aad u hesho shabakadaha ganacsi ee ay haweenku leeyihiin iyo xafladaha lagu qabanayo aaggaaga.
Caawinaad dheeri ah, tababar iyo munaasabado
- Hel xaflado, goleyaal, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaaro kaa caawinaya horumarinta xirfadahaaga ganacsi, baro deeqaha dawladda oo kobci shabakadahaaga:
- Hel taageerada wanaagsan ee milkiilayaasha ganacsiyada yaryar.
- Kala wixii kusoo cusboonaado warsidaha Business Queensland Connect Business Queensland Connect jaraaidka.
- Kala soco Business Queensland barta Facebook.
Taageer ganacsiyada ay haweenku leeyihiin
Ka caawi ganacsiyada ay haweenku leeyihiin si ay u kobcaan adigoo:
- noqonaya lataliye ka taageera haweenka ganacsiga
- maalgashanaya ganacsiyada ay haweenku leeyihiin
- wax ka iibsanaya meherado ay haweenku leeyihiin.
Sidoo kale tixgeli...
- Inaad aqriso Queensland Government Women's Strategy 2022–27, oo ay ka ka go'an tahay inay taageeraan guusha ganacsiga haweenka.
- Booqo Queensland Government's Office for Women adeegyada gaarka ah iyo barnaamijyada taageerada haweenka.
- Akhriso qoraalada ku saabsan taageerada iyo ururada haweenka ee warshadaha miyiga.