Somali

Ma u baahan tahay caawimaad lagugu siiyo luuqadaada? Wac 1800 512 451 kadibna codso turjumaan.

Isdiiwaan geli si aad u noqoto tababare

Mentoring for Growth (M4G) la taliyayaasha waxay gacan ka geystaan guusha ganacsiyada kale ee Queensland.

Haddii aad doonayso inaad diiwaan geliso xiisaha aad u qabto inaad tababare mutadawac ah u noqoto barnaamijka M4G, iimeel udir m4g@desbt.qld.gov.au.

Xog ku saabsan barnaamijka M4G

Tababareyaashu waa khubarada ganacsiga, warshadaha iyo wax dhoofinta kuwaasoo ku siinaaya waqtigooda, aqoontooda iyo khibradooda si bilaash ah.

Marka aad ka qaybgasho M4G, waxaad:

  • ka caawin kartaa ganacsiyada yaryar inay kobac sameeyaan ayna shaqaale dheeri ah qortaan
  • waxaad siin kartaa ganacsiyada yaryar ee waajahaaya kobaca degdega ah, ama leh suuragalnimada inay kobac degdeg ah sameeyaan, fikrado, dookhyo iyo talooyin ku aadan caqabadaha ganacsiga ee ka dhasha kobaca iyo hal abuurka.
  • waxaad ku biiri kartaa shabakad tababar oo aad loo qadariyo
  • waxaad ka qaybgeli kartaa shaqooyinka iyo munaasabadaha ganacsiga.

Doorka tababaraha M4G

Si aad u noqoto tababaraha M4G, waa inaad leedahay:

  • khibrad ganacsi
  • xirfadaha hadalka iyo dhagaysiga oo aad u sareeya
  • awood aad ku noqoto tusaale wanaagsan, talo bixiye, falanqeeye iyo la taliye.

Cusbooneysii xogta diiwaan gelintaada

Haddii aad horey aad tababare ahaan ula shaqaynaysay M4G, waxaad cusbooneysiin kartaa xogtaada:

Cusbooneysii diiwaanka

La xiriir M4G

Si aad u hesho xog dheeraad ah, iimeel ugu dir kooxda M4G ciwaanka m4g@desbt.qld.gov.au.

Sidoo kale tixgeli...